Manchester United oo diiday afar Xidig oo qeyb ka ahaa dalabyo kala duwan oo laga gudbiyay Paul Pogba

Manchester United ayaa diiday afar ciyaaryahan oo kala duwan oo Juventus ah xagaagii lasoo dhaafay iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay raadineysay heshiis ay kula soo wareegeyso Paul Pogba.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa weli u muuqda inuu ka baxayo albaabka laga baxo Old Trafford xagaagaan, laakiin in badan ayaa ku xirnaan doonta rabitaanka Man Utd ee ah inay aqbasho qiimo jaban ama ciyaartoy bedelkeeda heshiiska.

Taasi waa sida uu sheegayo Fabrizio Romano, oo u sheegay CaughtOffside in United aysan xiiseyneynin heshiis isku bedel xagaagii lasoo dhaafay, iyagoo diiday Miralem Pjanic, Aaron Ramsey, Douglas Costa iyo Adrien Rabiot si ay u helaan Pogba.

Romano ayaa yidhi, si kastaba ha ahaatee, wakiilka Pogba ee Mino Raiola ayaa qorshaynaya in macmiilkiisu uu u dhaqaaqo dhamaadka xiliciyaareed kaan, inkasta oo ayna taasi wax saamayn ah ku yeelan qaab ciyaareedka laacibka ee Kooxda.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxa ugu xiisaha badan ee xagaaga soo socda laga arko Pogba wuxuu noqon doonaa qiimaha ciyaaryahanka, sababtoo ah kaliya hal sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa, Manchester United ayaana mar hore qalad weyn ku gashay Pogba, iyadoo si bilaash ah ku weyday. markii uu ahaa 18 ama 19 oo uu ku biiray Juventus.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*