Manchester United oo diyaar u ah inay lacag badan kula soo wareegto xiddiga Tammy Abraham

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay lacag badan ugu dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Roma Tammy Abraham .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa kaliya ka tagay horyaalka Premier League suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay isagoo kaga soo dhaqaaqay kooxda Chelsea lacag dhan 34 milyan ginni.

Weeraryahanka ayaa 17 sano la joogay Blues, kooxda ayaana dhaqan galisay qodob dib u soo iibsi ah oo ku jiray qandaraaskiisa, laakiin taasi ma ahan wax wali la dhaqaajin karo.

Abraham waxa uu helay taageerayaal badan hadda sida laga soo xigtay Corriere dello Sport oo ay ku jirto Manchester United, kuwaas oo hadda isku diyaarinaya inay u dhaqaaqaan si ay ula soo saxiixdaan ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Jose Mourinho ayaa 24 jirkaan ka dhigay mid ka mid ah kooxdiisa xilli ciyaareedkan, isagoo u ciyaaray 29 kulan oo Seri A ah, waxaana uu dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan.

Abraham waxa uu u saftay kooxda koowaad 82 kulan intii uu joogay Chelsea, isagoo u dhaliyay 30 gool mudadaas.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*