Manchester United oo Diyaarisay Dalabkii ugu Horeeyay ee ay ku Doonayso xiddiga Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay dalabkii ugu horeysay ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic .

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa ahaa mid aad loo hadal hayay bilihii ugu dambeeyay, iyadoo kooxo badan la rumeysan yahay inay doonayaan saxiixiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa si aad ah loola xiriirinayay 27 jirkaan, sida laga soo xigtay Calciomercato , Red Devils ‘waxa ay dhawaan gali doonaan wajigii shaqada ee wada xaajoodka’ si ay ula soo wareegaan khadka dhexe.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata 20-ka jeer ee Ingariiska ay diyaarineyso ‘dalabka ugu horreeya’ ee Serbian, inkastoo labada kooxood ay weli wax yar ku kala fog yihiin qiimeyntooda.

Lazio ayaa markii hore lagu eedeeyay inay raadineysay €120m (£100.1m) balse hadda waxay hoos u dhigtay qiimihii ay ku iibin jirtay €80m (£67.3m), iyadoo Paris Saint-Germain iyo Juventus ay sidoo kale ugaarsanayaan saxiixiisa ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Milinkovic-Savic ayaa dhaliyay 10 jeer waxaana loo diwangeliyay 12 caawin 44 kulan oo uu u saftay Lazio xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 10 gool iyo 11 caawin 34 kulan oo Serie A ah.

Dhanka kale, wuxuu u diiwangeliyay 57 gool iyo 51 caawin 291 kulan oo uu u saftay kooxda reer Talyaani tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Genk bishii Ogosto 2015.

Ciyaaryahanka khadka dhexe xilli ciyaareedkiisii ​​ugu wax soo saarka badnaa ayaa yimid xilli ciyaareedkii 2017-18, markaasoo uu dhaliyay 14 gool, islamarkaana loo diiwaan geliyay sideed caawin 48 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Milinkovic-Savic waxaa ka haray wax ka yar labo sano inuu ku sii socdo qandaraaskiisa haatan, waxaana la fahamsan yahay inuu ‘heshis’ la leeyahay gudoomiyaha Lazio Claudio Lotito inuu u dhaqaaqo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Madaxa Juventus Federico Cherubini ayaa la rumeysan yahay inuu si joogto ah ula xiriiro wakiilka Serbian-ka Mateja Kezman , laakiin Marwada Duqda ah ayaa ku dhibtoon karta inay bixiso qiimaha uu ku iibsanayo.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*