Manchester United oo fursad u heysata in ay lasoo wareegto Raphael Varane

@Reuters

Manchester United ayaa ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe Raphael Varane oo ka tirsan Real Madrid , sida lagu sheegay warbixin.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay wax ka weydiisay helitaanka ciyaaryahanka reer France waagii hore, laakiin kaliya ay dib u dhigtay qiimeynta xidigan ka tirsan kooxda real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Varane ayaa haatan kujira 18-kii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa iyadoo Manchester Evening News ay soo jeedineyso in United ay sameyn karto qaab cusub.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in kooxo dhowr ah ay xiiseynayaan 27 jirkaan, laakiin wax dalab rasmi ah lama soo hor dhigin ka hor bisha Janaayo.

Varane ayaa ku soo bilowday 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ay Madrid ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu boos joogto ah ka helayaa xulka France dhanka daafaca.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*