Home Horyaalka England Manchester United oo go’an ka gaartay Mustaqbalka Xidiga Greenwood

Manchester United oo go’an ka gaartay Mustaqbalka Xidiga Greenwood

0

Weeraryahanka Manchester United Mason Greenwood ayaa lagu soo waramayaa inuu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda Marseille ka hor inta uusan u saxiixin qandaraas waqti dheer ah kooxda reer Yurub.

22-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii 2023-24 amaah ku qaatay Getafe , isagoo dhaliyay 10 gool, waxaana uu diiwaan geliyay lix caawin 36 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain tartamada oo dhan.

Saamilaha cusub ee Man United Sir Jim Ratcliffe ayaa soo jeediyay horaantii sanadkan in ay jiri karto dariiq ay Red Devils dib ugu soo laaban karaan kooxda koowaad ee Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska ayaa ugu dambeyntii go’aansatay inay u ogolaato inuu si joogto ah uga tago.

Atletico Madrid , Barcelona iyo Lazio ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo Greenwood, laakiin Marseille ayaa u muuqata inay ku guuleysatay tartanka saxiixiisa, iyadoo heshiiska la xaqiijin doono mustaqbalka dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here