Manchester United oo guul 0-1 ka gaartay Kooxda Leicester City, kaalinta Shanaad oo soo ciriirsatay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay Leicester City oo ay marti u ahayd, kulan la isku rafaaday oo hal gool oo madi ah oo uu qaybtii hore dhaliyey Jadon Sancho ay Red Devils ku heshay saddex dhibcood oo muhiim ahaa.

Kulankan oo uu Erik ten Hag kaydka dhigay Cristiano Ronaldo iyo Casemiro oo uu waqti dambe keenay ayay Manchester United ku heshay guushii saddexaad ee horyaalka Premier League ee ay ka keento horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan oo ay shan kulan dheeshay.

Gool uu daqiiqaddii 23aad dhaliyey Jadon Sancho oo goolhayaha usii gooyey kubadda ayaa noqday midka kaliya ee labada kooxood kala saaray, waxaanay Manchester United soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League oo ay ku haysato sagaal dhibcood oo ay ka urursatay shan ciyaarood oo ay dheeshay, halka Leicester City ay fadhido kaalinta  ugu hoosaysa horyaalka oo ay hal dhibic kaliya haysato.

Red Devils ayaa waxay haysataa 9 dhibcood oo ay ka urursatay shan kulan, waxaanay fadhidaa kaalinta shanaad, hase yeeshee Leicester City ayaa xilli ciyaareed musiibo ah ku jirta oo kaalinta ugu hoosaysa fadhida, waxaanay haysataa hal dhibic oo kaliya, iyada oo afar kulan laga badiyey midna ay barbarreeyee.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*