Manchester United oo guul ka gaartay Ac Milan una soo gudubtay Wareega 8aad ee Europa League

Kooxda Manchester United oo booqasho ugu tagtay kooxda Ac Milan ayaa guul ka gaartay kulan ka tirsan Koobka Europa League lugtiisa labaad.

Gool uu dhaliyay Paul Pogba oo ciyaarta bedel ku soo galay ayaa Manchester United u soo saaray wareega xiga ee Europa League iyagoo sugaya isku aadka la qaban doono berri oo Jimce ah haddii Eebe idmo.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa bedel muhiim ah sameeyay bilowgii qeybta labaad isagoo soo geliyay Paul Pogba oo 10 kulan dhaawac ku maqnaa isagoo bedelay Marcus Rashford.

Seddex daqiiqo garoonka ma uusan ku jirin markii uu Paul Pogba hogaanka u dhiibay Manchester United isagoo ka faa’ideystay kubad weerar aheyd uu isagu bilaabay oo ay AC Milan iska bixin weysay iyadoo kubada ay u soo laabatay ka hor inta uusan shabaqa ku hubsanin ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 0-1 taasi oo ka dhigan in wadarta guud ay ku soo baxdo 1-2.

Dhanka kale kooxda Steven Gerrard ee Rangers ayaa la reebay ka dib markii ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay kooxda Slavia Parague iyadoo lugtii hore ay barbaro 1-1 ku soo dhamaatay.

Rangers waxaa la isgu daray guuldarro iyo labo casaan ah oo ay qateen kulankii caawa.

Villarreal ayaa iyadana u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka iyagoo caawa 2-0 ku dubtay kooxda Dinamo Kiev, waxayna wadar ahaan ku soo baxeen guul 4-0 ah.

Ugu danbeyn Ajax ayaa iyadana guul weyn ku soo baxday markii ay caawa 2-0 ku dubteen kooxda Young Boys halka ay lugtii hore 3-0 ku soo badiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*