Manchester United oo guul ka gaartay Brentford Xili Cristiano Ronaldo uu ka Carooday badal lagu sameeyay

kooxda Manchester United ayaa guul ka gaartay kooxda Bentford kulan ka tirsan horyaalka Premier league-ga iyadoo Cristiano Ronaldo uu ka carooday ciyaarta markii lagu sameeyay badal Halkan ka Akhriso

Red Devils oo caawa sameesay isbadal Xoogan ayaa u suura gashay inay la timaado kubad ka feecan qaabkeeda hore madama kulamadii ugu danbeeyay ay la kulantay guul-darooyin iyo bar-barooyin kala duwan.

Anthony Elanga ayaa goolashada u daah furay Man United kadib Caawin uu ka helay Fred Daqiiqadii 55aad waxana ku xigay gool uu dhaliyay Mason Greenwood isagoo dhameestiray kubad uu banaanka u soo dhigay B. Fernandes Daqiiqadii 62aad Xidiga Marcus Rashford ayaana goolash soo qatimay Daqiiqadii 77ad.

kooxda Brentford oo sameesay isbadal qeybta danbe ee ciyaarta ayaa heshay goolka calanka waxana u saxiixay Ivan Toney Daqiiqadii 85aad guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 1-3.

Kooxda Manchester United ayaa wali ku jirta kaalinta 7aad iyadoo leh 35 dhibcood waxana 35 dhibcood la leh Arsenal oo 6aad ku jirta inkastoo kulan u harsanyahay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*