Manchester United oo guul ka gaartay Granada, iyo Arsenal oo bar-baro lagu qabtay UEFA Europe League

kooxda Manchester United oo booqasho ugu tagtay Granada ayaa 0-2 uga badisay lugta hore ee wareega 8aad UEFA Europe League oo ka dhacay garoonka  Nuevo Los Carmenes.

Xidiga Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay Man United qeybta hore daqiiqadii 31aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi waxana qeybta danbe ee ciyaarta gool rigoore ah u saxiixay Bruno Fernandes.

Lugta labaad ee labadan kooxood ayaa Khamiista toddobaadka dambe waxay ku wada ciyaari doonaan garoonka Old Trafford,.

Granada ayaa u baahnaandoonta in ugu yaraan ay ku badiso tirada goolasha lagaga badiyey kulanka , si ay kulanka dambe u gaarsiiso rikoodheyaal.

Arsenal 1 – 1 Slavia Prague

Dhana kale kooxda Arsenal oo garoonkeeda Emirates Stadium kula ciyaartay kooxda Slavia Prague ayaa la kulantay bar-baro 1-1 ah.

labada kooxood ayaa iska dhalin wax gool ah ilaa daqiiqadii 86aad ee ciyaarta markaasi oo kooxda Arsenal u suura gashay in ciyaarta wax ka badasho kadib markii xidiga Nicolas Pepe uu gool u dhaliyay.

Kooxda Slavia Prague ayaana dadaal dheer kadib keentay goolka lagu lahaa kana dhintay ciyaarta bar-baro daqiiqadii 90+4aad ee ciyaarta waxana goolkaasi u dhaliyay Tomas Holes.

Arsenal ayaa lugta xigta booqasho ugu tagidoonta kooxda Slavia Prague.

Kulamada kale ee la ciyaaray Caawa

Ajax 1 – 2 Roma
Dinamo Zagreb 0 – 1 Villarreal

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*