Manchester United oo guul ka gaartay Omonia, Arsenal oo dhankeeda badisay iyo Kulamada kale ee laga ciyaaray Uefa Europa League

Manchester United waxay iska maydhay niyad-jabkii kulankii Man City, waxaanay 3-2 kusoo garaacday Omonia oo ay ugu tagtay safar saacado badan qaatay oo Arbacadii ay ku gaadheen waddanka Cyprus ee ay Soomaalidu u taqaano Qubrus.

Red Devils ayaa qaybtii hore lagaga naxsaday gool uu ka dhaliyey weeraryahankii hore ee Nottingham Forest ee Karim Ansarifard Daqiiqadii 34aad iyadoo lagu kala santay goolkaasi.

Qeybta labaad Marcus Rashford ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay Daqiiqadii 53 iyo 84aad, halka Martial uu isaguna kulankiisii labaad ee xidhiidh ah ee uu beddel ku yimid uu isku qoray diiwaanka goolasha Daqiiqadii 63aad.

Guushu waxay iskaga dhaqday xasuuqii 6-3 ee Manchester City kulankii derby isbuucii hore, iyagoo seddex dhibcood ka sareeya Sheriff oo ku jira kaalinta seddexaad heerka group-yada. Omonoia ayaa weli ah ku jirta halka ugu hooseysa ka dib markii laga badiyay dhammaan seddexdii kulan.

Labada kooxood ayaa ku soo laabanaya ciyaaraha maxaliga ah iyadoo United ay u safreyso Everton axada, halka Omonia ay la ciyaari doonto AEL maalinta ku xigta.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa guul 3-0 ka gaartay kooxda Boda Glimt Waxana labo gool qeybta hore u dhaliyay E. Nketiah iyo R. Holding halka goolka Saddexaad uu ku daray F. Vieira daqiiqadii 84aad ee qeybta danbe.

Labada kooxood ayaa ciyaaraya kulan maxali ah Axada ka hor kulanka soo laabashada ee todobaadka soo socda, iyadoo Arsenal ay martigelin doonto Liverpool halka Bodo ay gurigeeda kula ciyaari doonto Sandefjord.

Shaxda Rasmiga ee kulankan

Omonia Nicosia XI: Jan Lecjaks, K. Ansarifard, Héctor Yuste, Mix Diskerud, Adam Matthews, Fabiano, Lang, Miletic, Brandon Barker, Souza, Charalampos Charalampous

Subs: Fotis Papoulis, Roman Bezus, Konstantinos Panagi, F. Uzoho, Panagiotis Zachariou, Andronikos Kakoullis, Nikolas Panagiotou, Loizos Loizou, Fotis Kitsos

Man Utd XI: Ronaldo, De Gea, Eriksen, Casemiro, Lindelof, Bruno Fernandes, Dalot, Sancho, Martinez, Tyrell Malacia, Antony

Subs: Heaton, Dubravka, Fred, Shaw, Martial, Rashford, McTominay, Facundo Pellistri, Anthony Elanga, Alejandro Garnacho, Zidane Iqba

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*