Manchester United oo heshay badalka David De Gea ee mustaqbalka dhow

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u calaamadsatay Goolhayaha kooxda Everton ee Jordan Pickford Badalka Mustaqbalka fog ee Goolhaye David De Gea.

Mustaqbalka De Gea ee Man United ayuu shaki soo food saaray iyada oo wax ka yar hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Old Trafford.

Sida laga soo xigtay Telegraph, Man United ayaa Jordan Pickford u aragta xiddiga buuxin kara booska David De Gea hadii uu ka tago kooxda.

Goolhaye Jordan Pickford oo ah dookha 1-aad ee xulka England ayaa Everton kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2024 waxana uu ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

United oo ka faa’iidaysanaysa arintaas ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha si ay ugu buuxiso booska De Gea ee mustaqbalka fog.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*