Home Warar Ciyaaraha Maanta Manchester United oo heshay war wanaagsan oo ku saabsan dhaawaca Leny Yoro.

Manchester United oo heshay war wanaagsan oo ku saabsan dhaawaca Leny Yoro.

0

Manchester United ayaa heshay war wanaagsan oo ku saabsan dhaawaca Leny Yoro.

18-sano jirkaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac jabniin ah intii lagu jiray qeybtii hore ee kulankii ay Red Devils guuldarro 2-1 ah kala kulantay Arsenal magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka intii lagu jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Man United ayaa xiddiga da’yarka ah filaysay in uu garoomada ku soo laabto bisha November.

Laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid tababarka ku soo laabanaya wakhti ka horeeya wakhtigii la filayay.

Xiddiga ayaa tababarka ku bilaabay qolka jimicsiga isaga oo ka shaqaynaya in uu tababarka ku soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here