Manchester United oo heshiis Cusub ka saxiixeysa Xidigeeda Marcus Rashford

Photo/Reuters

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Marucs Rashford kadib xilli ciyaareedkii cajiibka aha ee uu ilaa haatan soo bandhigay ilaa haatan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 12 gool iyo 5 caawin tartamada oo dhan.

Marcus Rashford ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu xiiso ka helo kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Man United todobaadyadii ugu dambeeyay.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Rashford ka hor inta aan la gaadhin tartanka Euro-da ee xagaaga iyada oo ka cabsi qabta in ay xiisaha kooxuhu u qabaan kor u kacaan hadii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigo kulankaqaranka England.

Rashford ayaa kooxda Man United kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana ay doonayaan in ah hal sano oo kale ku daraan heshiiskiisa waliba kor ugu qaadaan mushaharkiisa 200 ee kun todobaadkii ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*