Home Horyaalka Ingiriiska Manchester United oo isha ku heysa laacibka kooxda Everton ee Jarrad Branthwaite

Manchester United oo isha ku heysa laacibka kooxda Everton ee Jarrad Branthwaite

0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay il gaar ah ku hayaan horumarka ciyaaryahanka Everton ee Jarrad Branthwaite .

18 jirkaan ayaa Toffees kaga soo biiray Carlisle United bishii Janaayo 2020 waxaana uu shan kulan u saftay kooxda koowaad ee Merseyside, oo ay ku jiraan afar kulan oo Premier League ah.

Daafaca dhexe ayaa amaah ugu biiray Blackburn Rovers bishii Janaayo, waxaana uu durbaba ka soo muuqday todobo jeer kooxda ka ciyaarta heerka labaad.

Sida laga soo xigtay Dailymail , qaab ciyaareedka Branthwaite ee kooxda heerka labaad ayaa soo jiitay dareenka United, kuwaasoo haatan la socda horumarkiisa iyagoo doonaya inay u dhaqaaqaan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Liverpool iyo Manchester City ay sidoo kale soo jiiteen ninka reer England.

Da’yarkan ayaa si joogto ah ugu ciyaarayay kooxda Blackburn kulan ka tirsanaa championship tan iyo markii uu yimid intii lagu jiray suuqa Janawari, isaga oo bilaabayay isla markaana dhamaystirayay mid kasta oo ka mid ah toddobadii kulan ee horyaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here