Home Wararka Ciyaaraha Manchester United oo isha ku heysa Saddex Xidig oo ka tirsan Everton

Manchester United oo isha ku heysa Saddex Xidig oo ka tirsan Everton

0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeyso seddexda ciyaaryahan oo Everton ah Richarlison , Dominic Calvert-Lewin iyo Anthony Gordon inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Toffees ayaa haatan ku jirta kaalinta 17-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League , iyadoo hal dhibic oo kaliya ka sareysa seddexda kooxood ee ugu hooseeya, waxaana la sheegay in kooxda Merseyside ay ku dhici karto dhibco laga jari karo ka dib markii lagu eedeeyay inay jabisay faa’iidada horyaalka heerka koowaad iyo shuruucda joogtaynta.

Dib ugu laabashada Championship-ka waxay horseedi doontaa in tiro ciyaartoy ah oo magac sare leh ay ka tagaan Goodison Park, sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Man United ayaa isha ku haysa Richarlison, Calvert-Lewin iyo Gordon oo qayb ka ah dib u dhiska kooxda.

Gordon ayaa sidoo kale lagu Xamanayaa inuu xiiseynayo Red Devils, iyadoo 21-sano jirkaan uu 26 kulan u saftay Toffees intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo ka qeyb qaatay seddex gool iyo seddex caawin.

Man United ayaa la rumeysan yahay inay horraantii sanadkan la kulantay wakiilada Richarlison si ay ugala hadlaan sidii ay ula wareegi lahaayeen, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu wacdaro ka dhigay kubada cagta Ingariiska tan iyo markii uu Watford kaga soo biiray Fluminense 2017kii.

Previous articleHorudhac: Barcelona Vs Galatasaraay ee UEFA Europe league-ga Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka
Next articleChelsea oo wadahadalo heshiis kordhin ah la bilowday N’Golo Kante.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here