Manchester United ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay iska iibiso Marcus Rashford bisha Janaayo si ay ugu fududaato Ruben Amorim dib-u-dhiska kooxda.
Red Devils ayaa lagu soo warramayaa inay aqbashay in Rashford aanu hadda ahayn mid aan la iibin karin, taasoo u muujineysa in ciyaaryahanka ay ka fiirsanayaan dalabyada la xiriira mustaqbalkiisa.
Tababaraha cusub ee reer Portugal, Ruben Amorim, ayaa illaa iyo hadda Rashford ciyaarsiiyay dhammaan shanta kulan ee uu hoggaanka u qabtay kooxda, inkastoo uu kaliya laba jeer ku soo bilowday safka koowaad.
Rashford ayaa dhaliyay saddex gool, oo ay ku jirto labo uu ka dhaliyay kulankii 4-0 ee ay kaga badiyeen Everton, isagoo celcelis ahaan shabaqa soo taabtay 84-kii daqiiqo ee uu ku jiray garoonka.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Rasmus Hojlund uu yahay doorashada koowaad ee Amorim ee weerarka, halka Alejandro Garnacho uu sii haysto boos joogto ah oo uu ku wehliyo kabtanka aan laga maarmaanka ahayn ee Bruno Fernandes.
Amorim ayaa doonaya inuu bilaabo in uu kooxdiisa u qaabeeyo sida uu rabo xilli suuqa kala iibsiga uu furmayo bisha Janaayo, laakiin waxaa xaddidaya caqabado dhaqaale oo la xiriira xeerarka  Premier League iyo UEFA, sida uu ku warramay Express.
Iibka Rashford wuxuu siin karaa tababaraha miisaaniyad weyn oo uu ku sameeyo saxiixyo cusub, iyadoo laga yaabo inay kooxdu diirada saarto ciyaartoy ku habboon aragtida cusub ee Amorim.