Manchester United oo iska Xaadirisay Finalka Europa League iyo Arsenal oo koobka laga reebay

inkastoo kooxda Manchester United laga badiyay kulankeeda Caawa hadana waxay iska xaadiray Finalka Koobka Europe League iyadoo la ciyaareysa Villareal.

Red Devils ayaa guul daro 3-2 kala kulantay kooxda Roma oo ay booqasho ugu tagtay lugta labaad ee wareega Semi-finalka koobkan

Edinson Cavani ayaa mar kale kulankan is muujiyay isagoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 39aad ee qeybta hore iyadoo goolkaasi lagu kala nastay.

Roma oo kulankan lagu ciyaarayay garoonkeeda ayaa boorka iska jabtay qeybta danbe kadib markii ay heshay labo gool oo deg deg ah kana yimid Edin Dzeko iyo Bryan Cristante daqiiqadihii 57aad iyo 60aad ee ciyaarta lakin Edinson Cavani ayaa mar kale shabaqa soo taabtay kana dhigay ciyaarta 2-2 ka hor inta uusan gool iska dhalin Alex Telles kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-2 guud ahaan ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3-2.

United ayaa cel-celis ahaan ku soo baxday 5-8 gool marka leesku daro labada kulan taasi oo ka dhigeysa in ay iska xaadiro finalka kooban,

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa iskaga hartay koobka kadib markii ay bar-baro goolal la’an ah ay la gashay kooxda Villarreal oo lugtii hore ku soo badisay 2-1.

Unai Emery oo ay Arsenal shaqada ka caydhisay, kuna beddeshay Arteta ayaa Villarreal ku hoggaamiyey finalka, waxaana tababarahan reer Spain uu khabiir ku yahay tartankan oo uu saddex jeer oo hore ku guuleystay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*