Home Suuqa Kala iibsiga Manchester United oo isku dayday in ay qariso darnaanta dhaawaca soo gaaray...

Manchester United oo isku dayday in ay qariso darnaanta dhaawaca soo gaaray Leny Yoro

0

Manchester United ayaa isku dayday in ay qariso darnaanta dhaawaca soo gaaray Leny Yoro si aysan u wiiqin mowqifka wada xaajoodka ee ay kula jiraan Bayern Munich oo ay ka doonayaan xiddiga Matthijs de Ligt.

Red Devils ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay saxiixa daafaca Matthijs de Ligt kaas oo ay doonayso in ay la midoobayso Erik Ten Hag.

Si kasta ha ahatee waxa ay ilaa haatan ku dhibaatoonaysaa in ay heshiis la gaadho kooxda Bayern Munich.

United ayaa la soo saxiixatay daafaca dhexe ee Leny Yoro kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Nice.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa dhaawacmay kulankii 2-aad ee uu u ciyaaray kooxda Man United.

Man United ayaa qarisay halista dhaawaca soo gaadhay Yoro si ayna Bayern Munich ugu adkayn saxiixa daafaca De Ligt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here