Manchester United oo isku diyaarineysa Dalab 80m ay ka gudbineyso Jadon Sancho

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso dalab 80 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso Jadon Sancho iyagoo doonaya inay la soo wareegaan weeraryahanka Borussia Dortmund inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Red Devils ayaa si xoogan loola xiriirinaayey ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England sanadkii hore laakiin diyaar uma aysan aheyn inay la kulmaan BVB qiimaha ay ku dooneyso, kaasoo la rumeysan yahay inuu gaarayo 108 milyan oo ginni.

Sancho ayaa markale qaab ciyaareed xoogan ku jiray Dortmund xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 14 gool isla markaana diiwaan geliyay 18 caawin 35 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan da ‘yarkii hore ee Manchester City ayaa mar kale isku soo uruurinaya, iyadoo Man United, Chelsea iyo Liverpool ay dhamaantood lala xiriirinayo inay u dhaqaaqayaan.

Sida laga soo xigtay Daily Star , Man United waxaa ka go’an inay 21 jirkaan kala soo wareegto suuqa soo socda, waxaana ay ku dalban doonaan 80 milyan ginni adeegiisa.

Warbixinta ayaa sheegtay in kooxda heysata 20ka jeer horyaalka Ingariiska ay u aragto ninka reer England bartilmaameedkooda koowaad maadaama ay ku rajo weyn yihiin in Edinson Cavani uu saxiixi doono heshiis cusub oo hal sano ah.

Sancho ayaa dhawaan sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Jarmalka “xilligan”.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*