Home Wararka Ciyaaraha Manchester United Oo Jude Bellingham ka dhigatay bartilmaameedka koowaad ee Suuqa Kala...

Manchester United Oo Jude Bellingham ka dhigatay bartilmaameedka koowaad ee Suuqa Kala iibsiga.

0
Ad

Manchester United ayaa Jude Bellingham ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya ee suuqa kala iibsiga.

Red Devils ayaa rajeyneysa inay safkeeda kusoo darto ciyaaryahan khadka dhexe ah, waxaana kooxda lala xiriirinayaa ciyaaryahano kala duwan oo ay ku jiraan Declan Rice iyo Amadou Haidara .

Ad

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic  ciyaaryahanka Borussia Dortmund ee Bellingham ayaa qarka u saaran inuu noqdo bartilmaameedka koowaad ee xagaaga seddexda ciyaaryahan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa weli heysta seddex sano oo uu qandaraaskiisa uga harsan.

Bellingham ayaa 17 kulan u saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan, waxaana uu shabaqa soo taabtay shan jeer, halka uu sidoo kale ka soo muuqday dhammaan lixdii kulan ee heerka guruubyada Champions League.

Manchester United ayaa ku soo laaban doonta garoomada Arbacada marka ay wajahayaan kooxda Brentford kulan ka tirsan Premier League.

Previous articleTababaraha Chelsea Thomas Tuchel: ‘Saxaafaddu way ku qaldan tahay inay diiradda saaraan Romelu Lukaku’
Next articleKepa Arrizabalaga oo go’an ka qaatay Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here