Manchester United oo ka badisay Liverpool kana reebtay Koobka FA-Cup-ka

Liverpool's Mohamed Salah (second right) scores his side's second goal of the game during the Emirates FA Cup fourth round match at Old Trafford, Manchester. Picture date: Sunday January 24, 2021.

Kooxda Manchester United ayaa markale ku jirta guulaheeda isdaba jooga ah iyadoo 3-2 uga badisay Liverpool kulan ka tirsan Koobka FA-Cup-ka.

Inkastoo Liverpool ay daah furtay Goolasha kulanka hadana waxay Manchester United ugu danbeyn Koobka ka reebtay Kooxda Liverpool oo markaan ku jirta waqtigeeda ugu Xuma.

Mo Salah ayaana hogaanka u dhiibay Liverpool Daqiiqadii 18 aad ee ciyaarta ka hor inta uusan ka bareejeenin Mason Greenwood Daqiiqadii 26-aad  ee Ciyaarta iyadoo lagu kala nastay 1-1.

Manchester United ayaa Qeybta Danbe hogaanka Qabatay Daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay goolka Marcus Rashford lakin xidiga Mo Salah ayaa goolkiisa labaad ka dhaliyay Manchester United isagoo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Bruno Fernandes oo badal ku soo galay Ciyaarta ayaana Manchester United ka caawiyay guusha isagoo goolka Sadexaad dhaliyay Daqiiqadii 78-aad.

Maxaa Xiga

Manchester United ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta Kooxda Sheffield United kulan ka tirsan Horyaalka Premier league Halka Liverpool ay booqandoonto Tottenham isla Horyaalka.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*