Manchester United oo ka fiirsaneysa inay dalab cusub ka gudbiso Christian Eriksen

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay suurtogalnimada inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexeee kooxda Inter Milan Christian Eriksen .

In kasta oo la sheegay inuu danaynayay United bilowgii sannadka 2020, kubadsameeyaha ayaa ugu dambeyntii ka tagay Tottenham Hotspur si uu u saxiixo heshiis waqti dheer ah San Siro.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa ku guuldareystay inuu saameyn joogta ah ku yeesho kooxda ka ciyaarta Serie A, kuwaasoo diyaar u ah inay iska diraan 28 jirkaan bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay ‘ka faa’iideysato’ xaaladda haddii Eriksen lagu helo qiimo jaban.

Sida ay haatan tahay, waa in la arkaa in Inter ay dooneyso inay dib u soo ceshato 17 milyan oo ginni oo ay bixiyeen ku dhowaad sanad ka hor ama inay dejiso qiimo sare.

Arsenal ayaa sidoo kale u muuqatay bartilmaameedka Eriksen, hadalkaas oo aan si diiran loogu soo dhaweyn doonin kooxda ay xafiiltamaan ee Waqooyiga London.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*