Manchester United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay la soo wareegto weeraryahanka Barcelona Raphinha maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga, sida lagu sheegay warbixin.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa u dhaqaaqay Camp Nou xagaagii isagoo kaga soo biiray Leeds United ka dib markii uu Premier League ka dhaliyay 11 gool xilli ciyaareedkii hore.
Raphinha ayaa soo bandhigay afar gool 7 caawin 27 kulan oo uu u saftay kooxda Xavi intii lagu jiray ololihiisii ugu horeeyay, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu noqdo mid si joogta ah ku bilowday.
Iyadoo Ousmane Dembele , Gavi , Ferran Torres iyo Ansu Fati ay sidoo kale diyaar yihiin, Raphinha ayaa kaliya ku soo bilowday sagaal kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, waxaana durba lala xiriirinayaa bixitaan.
Sida laga soo xigtay The Mirror , Man United ayaa isha ku haysa xaalada 26-sano jirkaan, mana aysan meesha ka saarin suurtagalnimada in weeraryahanka ay dalab ka gudbiyaan maalinta u danbeysa.