Manchester United oo ku bixinaysa 45 milyan ginni saxiixa weeraryahanka Red Bull Salzburg Benjamin Sesko xagaagan.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay bixin doonto 45 milyan ginni hadii ay doonayaan saxiixa weeraryahanka Red Bull Salzburg Benjamin Sesko xagaagan.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay sahmineyso suurtogalnimada ay 19-jirkaan kusoo jiidan karto Old Trafford, halka kooxo badan oo kale oo Yurub ah oo ay ku jiraan Chelsea, Liverpool Newcastle United iyo Real Madrid ay sidoo kale isha ku hayaan xaaladiisa.

Ka dib markii uu dhaliyay 21 gool 29 kulan oo uu amaah kula joogay kooxda heerka labaad ee Austria FC Liefering 2020-21, Sesko ayaa ku soo laabtay Salzburg wuxuuna si joogto ah uga soo muuqday kooxda kowaad xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga 6ft 4in ee Slovenia ayaa dhaliyay 10 gool waxaana uu caawiyay 7 gool 37 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Austrian 2021-22, sidoo kale waxa uu khibrad ka helay Champions League.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in Man United ay xiriir la samaysay Salzburg si ay ugala hadasho suurtogalnimada in Sesko uu ku biiro Old Trafford xagaagan.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*