Home Suuqa Kala iibsiga Manchester United oo ku Dhawaatay saxiixa daafaca midig ee Bayern Munich Noussair...

Manchester United oo ku Dhawaatay saxiixa daafaca midig ee Bayern Munich Noussair Mazraoui

0

Manchester United ayaa rajeyneysa inay hesho saxiixa daafaca midig ee Bayern Munich Noussair Mazraoui, waxaa la isku afgartay heshiis uu ku sii heyn karo Old Trafford ilaa 2030ka.

Mazraoui ayaa laga yaabaa inuu aado England si uu ula midoobo Erik ten Hag ka dib markii ay labada nin ay soo wada shaqeeyeen waqtigii ay ku sugnaayeen Ajax.

United ayaa booska dambeedka midig u aqoonsatay meel ay doonayso inay ku xoojiso suuqa kala iibsiga xagaagan, gaar ahaan iyadoo mustaqbalka Aaron Wan-Bissaka ay hubaanti la’aan ay tahay.

Waxa ay United u ahayd bilow wanaagsan ka dib markii ay heleen saxiixyada Leny Yoro iyo Joshua Zirkzee, laakiin Boordhka United uma muuqdaan inay halkaas ku joogsanayaan.

United laga yaabo in lagu qasbo iibinta Wan-Bissaka ka hor inta aysan xaqiijin saxiixa Mazraoui.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here