Home Horyaalka Ingiriiska Manchester united oo ku dhiban ineey garaacdo kooxaha waaweyn ee EPL.

Manchester united oo ku dhiban ineey garaacdo kooxaha waaweyn ee EPL.

0

Si aad ugu guuleysato horyaal kasta waa inaad awood u yeelataa inaad garaacdo kooxaha ugu weyn horyaalka ingiriiska Manchester United ayaa ay taas ku adkaatay xilli ciyaareedkan marka ay wajahayaan Big six ma wacno xaaladoodu

Iyagoo heystaan 20 koob oo horyaal ah, waxay ugaarsanayaan ineey qaadaan midkoodii 21 aad waxayna hadda fadhiyaan booska labaad, kaliya seddex dhibcood ayey ka dambeeyaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

In kasta oo ay dhawaan garaaceen Liverpool koobka FA Cup, kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa weli la dhibtooneysa kooxaha waa weyn ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Waxaan eegnay qaab ciyaareedkooda horyaal marka loo eego ‘lixda weyn’ ee 2020-21 waxaana isbarbar dhig ku sameynay rikoorkooda 2019-20.

Kaliya Liverpool ayaa rikoor ka fiican United ka heshay kulamadaas xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay qaab ciyaareedkooda ku soo baxaan 2020-21, iyagoo dhaliyay kaliya hal gool lix kulan oo horyaalka ah.

United marka ay wajaheyso kooxaha ugu awooda badan Horyaalka premier league inta badan kama guuleysan kooxahaas hadaba ka bogo dhamaan kulamdii ay ciyaartay xilli ciyaaredkii hore iyo kan hada socda ee 2020-2021 iyo kulamadii ay dheeleen iyo wiliba dhibcaha ay heleen.

2019-20

Played: 10
Won: 5
Drawn: 3
Lost: 2

Points Per Game: 1.8

Goals for: 15
Goals against: 9
Goals scored per game: 1.5
Goals against per game: 0.8

2020-21

Played: 6
Won: 0
Drawn: 4
Lost: 2

Points per game: 0.66

Goals for: 1
Goals against: 7
Goals scored per game: 0.16
Goals against per game: 1.16

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here