Home Horyaalka England Manchester United oo ku dhow inay Fursad kale siiso Xidiga Antony

Manchester United oo ku dhow inay Fursad kale siiso Xidiga Antony

0
Manchester United ayay u badantahay in ay hal fursad oo kale siiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Antony xilli ciyaareedkan. 

Weeraryahanka ayaa lala xiriirinayay amaah ama ka tagis joogto ah ee kooxda. 

Brazilian-ka waxa uu Old Trafford ku yimid 86 milyan ginni xagaagii uu Erik ten Hag la wareegay xilka tababaranimo, isagoo u soo ciyaaray kooxda reer Holland ee Ajax . 

Kooxda reer Brazil ee Sao Paulo ayaa rajeyneysay inay hesho saxiixiisa, laakiin uma muuqan inay fursad u heshay. 

Isaga oo la hadlaya madaxweyne Julio Casares, waxa uu u xaqiijiyay in aanay suurtogal ahayn in heshiiskani dhaco, waa wax gabi ahaanba ka baxsan xaqiiqada São Paulo. Antony hadda kuma soo laabanayo, mudnaantiisa waa Manchester United , ”Wakiilka garabka ee Junior Pedroso ayaa u sheegay Jorge Nicola, isagoo sii maraya Portal Do Sao Paulino. 

Ten Hag ayaa u sheegay AD Sportwereld: inuu xidigan yahay mid muhiim ah lakin go’anka ay u taalo dhanka maamulka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here