Manchester United oo ku dhow inay Heshiis ka Saxiixdo mid kamid ah Xidigaha Kooxda

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay ka saxiixato Alejandro Garnacho qandaraas cusub oo waqti dheer ah.

18-sano jirkaan ayaa si joogto ah uga ciyaara Red Devils intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo u saftay 15 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay labo gool, halka uu caawiye ka ahaa shan gool.

Garnacho ayaa goolkisii ugu horeeyay ee kooxda ka dhaliyay kooxda Real Sociedad ee tartanka Europe League bilawgii bishii November ka hor inta uuna goolka guusha ka dhalin Fulham kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

Da’yarka ayaa sii waday qaab ciyaareedka cajiibka ah kulamadii ugu dambeeyay isaga oo caawiye ka noqday guulihii ugu dambeeyay ee Everton, Bournemouth iyo Manchester City taasi oo keentay in Heshiis Cusub laga saxiixo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*