Home Warar Ciyaaraha Maanta Manchester United oo ku fashilantay dadaalkii ay ku doonaysay in iska iibiso...

Manchester United oo ku fashilantay dadaalkii ay ku doonaysay in iska iibiso Casemiro

0

Manchester United ayaa u muuqata mid ku fashilantay dadaalkii ay ku doonaysay in iska iibiso Casemiro iyada oo kooxdu heshiis la gaadhay kooxdii ay ka iibin lahayd xiddiga laakiin uu xiddiga laftiisu iska diiday kooxda Galatasaray oo doonaysa saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Man United isaga oo qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigay kulankii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa diidan in uu ka tago kooxda Man United maadama uu diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa.

Man United ayaa kooxda Galatasaray kala heshiisay saxiixa xiddiga 32 jirka ah iyada oo maamulka Red Devils diyaar u ahaayeen in ay iska diraan xiddiga.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa ilaa haatan diidan in uu ka tago kooxda Man United isaga oo doonaya in uu sii joogo kooxda Ku ciyaarta Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here