Home Horyaalka Ingiriiska Manchester United oo kula biirtay Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa garabka Leeds...

Manchester United oo kula biirtay Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa garabka Leeds Raphinha

0

Horaantii bishaan, saxafiga caanka ah ee Gianluigi Longari ayaa sheegay in Liverpool ay muujineyso xiisaha ay u qabto saxiixa garabka Leeds United Raphinha ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee xilli ciyaareedkaan.

Waxa uu haatan sheegay in Liverpool ay kula soo biirtay kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Manchester United tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Raphinha ayaa ku biiray Leeds suuqii xaggaaga iyagoo kala soo wareegey kooxda Rennes aduun dhan 17 million oo lagu daray lacag dheeri ah .

Ciyaaryahanka garabka bidix ayaa si aad ah uga dhex muuqday Marcelo Bielsa oo ku tilmaamay inuu yahay ‘Ciyaaryahan dhameystiran ‘.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay afar gool shanna wuu caawiyay 15 kulan oo Premier League ah oo uu xilli ciyaareedkan , waxaana uu cadeeyay inuu kamid yahay saxiixyada xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here