Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro xiddiga reer England ee Mason Mount oo la sheegay in uu go’aansaday inuu iskaga tago Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaanay Blues ku qasban tahay in ay iibiso maadaama uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa oo uu sannad kaddib si xor ah uga tegi karayo.
24 jirkan ayaa dhabarka u jeediyey kooxdiisa oo dalbaday in la iibiyo, waxaana uu ugu hanjabay in aanu heshiis cusub marnaba u saxeexi doonin.
Liverpool ayaa ahayd kooxda muddada dheer lala xidhiidhinayay Mount, hase yeeshee waqti dambe ayaa waxa tartanka kula soo biirtay Arsenal oo doonaysa ciyaartooyo ay ku xoojiso khadkeeda dhexe ee uu ka baxayo Granit Xhaka.
Manchester United ayaa hadda kusoo biirtay tartanka Mason Mount, iyada oo isticmaalaysa lacag aad uga badan inta ay la diyaarka yihiin Arsenal iyo Liverpool, waxaana la sheegay in tababare Erik ten Hag uu ka dhiiganayo bartilmaameedkiisa koowaad.
Red Devils ayaa diyaarisay £55 milyan oo Gini oo ay ku iibsanayso Mason Mount, waxaanay taasi keenaysaa inay garbiyaan Arsenal, Liverpool iyo xata aBayern Munich oo waqti dambe uu hunguri ka galay saxeexa xiddiga reer England.
Mason Mount ayaa waxay hore u dalbatay £85 milyan oo Gini oo ay ku xidhay kooxaha doonaya Mount oo ka mid ahaa ciyaartoydeeda illaa sannadkii 2005 oo uu isaga oo carruur ah kusoo biiray kulliyadda Cobham, waxaana uu kooxda koowaad kulankiisii u horreeyey u safray sannadkii 2019, intii ka dambaysayna waxa uu u ciyaaray 195 kulan oo uu u dhaliyey oo uu u dhaliyey 33 gool.