Home Horyaalka Italy Manchester United oo la kulantay dhirbaaxo ku aaddan saxiixa Viktor Gyökeres

Manchester United oo la kulantay dhirbaaxo ku aaddan saxiixa Viktor Gyökeres

0

Manchester United ayaa la kulantay dhirbaaxo ku aaddan saxiixa Viktor Gyökeres, iyadoo kooxaha Premier League-ka ee kale ay “kula jiraan boos fiican.”

Viktor Gyökeres inuu mar kale kula midoobo Ruben Amorim kooxda Manchester United waa mid ka mid ah dhowr ikhtiyaar oo u furan weeraryahanka Sporting ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Warbixin ka soo baxday FootballTransfers ayaa sheegeysa in Newcastle United ay wadahadallo joogto ah kula jirto wakiillada ciyaaryahanka. HCM Sports Management, oo uu hoggaaminayo ciyaaryahankii hore ee Swedish-ka ahaa Hasan Çetinkaya, kaasoo sidoo kale ah wakiilka Victor Lindelöf, ayaa matalaya Gyökeres.

Newcastle ayaa lagu soo warramayaa inay hoggaaminayso tartanka saxiixa Gyökeres. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa inay tahay inay iska iibiyaan saaxiibkiisa xulka qaranka Sweden Alexander Isak si ay ula jaanqaadaan shuruucda faa’iidada  ee  Premier League.

Ku biirista Newcastle ayaa soo jiidan karta maadaama iibinta Isak ay hubin doonto in Gyökeres uu u ciyaaro si joogto ah kulan walba. Waxaa la sheegay in sidoo kale la aqoonsan yahay in tani aysan suurtogal ka ahayn Arsenal, Manchester City, ama Manchester United sababtoo ah waxaa halkaasi jooga ciyaartoy badan oo heegan ah oo weerarka ka ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here