Manchester United oo laga yeelanayo Dalka Sacuudiga, Warar laga helayo Xogtaasi

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa  kusii dhowaanaysa inay noqoto hanti laga leeyahay waddamada Bariga Dhexe, iyadoo ay iibsigeeda ku loollamayaan shirkado ka dhisan waddamada Sucuudiga iyo Qatar.

Mulkiileyaasha Manchester United ee qoyska reer Glazer ayaa shaaciyey bishii November, in ay diyaar u yihiin inay iibiyaan kooxdan oo ay iska lahaayeen tan iyo sannadkii 2005.

Sir Jim Ratcliffe oo ah ninka ugu taajirsan waddanka UK ayaa toddobaadkii hore si rasmi ah u shaaciyey inuu doonayo inuu iibsado kooxda, laakiin waxa soo baxaysa in ay garbinayaan maalqabeenno u dhashay Sucuudiga iyo Qatar oo lacag ugu awood sheeganaya.

Wargeyska The Athletic ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay, in qiimaha Manchester United uu marayo $4.6 bilyan oo dollarka Maraykanka ah, laakiin qoyska reer Glazer ee iska leh kooxdu ay dalbanayaan lacag gaadhaysa $8 bilyan oo dollarka Maraykanka ah, sida uu ku warray wariyaha ciyaaraha ee Ben Jacobs.

Qoyska reer Glazer ee uu hoggaamiyo Malcolm Glazer oo sannadkii 2005 ku iibsaday Manchester United lacag gaadhaysa £800 milyan oo Gini, ayaa intii ka dambaysay April 2006 waxa maamulka kooxdu uu gacanta ugu jiray Joel iyo Avram Glazer oo hawl-maalmeedka naadiga qabta.

The Athletic ayaa waxa uu sheegay, in maalqabeenno u dhashay Qatar ay si dhow ula socdaan xaaladda Manchester United, laakiin ay iyagana  lacag ku muquuninayaan tujaar u dhalatay Sucuudiga oo haysta lacago aad u badan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*