Manchester United oo qabatay Hogaanka Horyaalka guul ay ka gaareen Burnley

Kooxda Manchester United ayaa hogaanka Horyaalka Premier League la wareegtay kadib guul ay ka gaareen kooxda Burnley waxana fariin u direen Kooxda Difaacaneysa Horyaalkan ee Liverpool.

Xidigaha Manchester United ayaana kubad awood leh ku soo bandhigen kulankan waxana qeybta hore lagu kala nastay goolal la’an isku imaatinka qeybta danbe gaar ahaan daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta xidigaha Paul Pogba ayaa u dhaliyay gool gurux badan United ayaana goolkaasi waxaa ugu filnaan in ay hogaanka si kumeel gaar ah u qabtaan.

Guusha Red Devils ayaa ka dhigan in hogaanka horyaalka ku qabtaan 36 dhibcood halka Liverpool ay leedahay 33 dhibcood iyagoo wada ciyaaray min 17 kulan oo horyaalka ah.

Maxaa Xiga

Manchester United ayaa booqaneysa Guriga kooxda Liverpool 17-ka bishan oo ku beegan maalin Axad ah halkaasi oo lagu ogaan karo kooxda qaadi karta horyaalka Premier league.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*