Manchester United oo qorsheyneysa inay bixiso Qiimaha Jules Kounde ee lagu burburin karo qandaraaskiisa

Photo/Reuters

Sevilla ayaa lagu soo waramayaa inay ka cabsi qabto in Manchester United ay diyaar u tahay qiimaha 69 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaska daafaca Jules Kounde .

22 jirkan ayaa ka mid ah daafacyada dhexe ee loogu doonista badan yahay adduunka wakhtiyadii ugu dambeeyay kadib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda Sevilla tan iyo markii uu ku soo biiray July 2019.

Tiro ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan, iyadoo Chelsea ay horey u heysatay dalab 42.5 milyan ginni ah oo dib loogu soo celiyay suuqa xagaagii hore.

Sevilla ayaa weli ka cago jiideysa inay ku iibiso xiddiga shanta kulan u saftay France qiimo kasta, laakiin kooxaha ayaa ka warqaba qiimaha lagu burburin karo iibka Kounde.

Sida laga soo xigtay AS , kooxda La Liga ka dhisan ayaa ka walwalsan in United ay diyaar u tahay inay lacag badan ku qarashgareyso Kounde suuqa Janaayo iyagoo doonaya inay sii xoojiyaan daafacooda.

United ayaa laga dhaliyay 17 gool 11 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*