Sida laga soo xigtay Media Foot , Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Bayern Munich Eric Maxim Choupo-Moting si ay u noqdaan bedelka Cristiano Ronaldo.
Choupo-Moting ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Bavarians ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo diiwaan gashaday sideed gool iyo saddex caawin 13 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Ronaldo ayaa dhanka kale ku dhibtoonaya qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan. Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay kaliya seddex gool, waxaana uu caawiyay hal gool 14 kulan oo uu u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan.
Ronaldo ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda.
Sidaa darteed, Manchester United ayaa dooneysa inay xoojiso weerarkeeda. Inkastoo Marcus Rashford uu ku jiray qaab ciyaareed heer sare ah, Anthony Martial ayaa si joogto ah ugu dhibtooday inuu helo waqtiga ciyaarta sababo dhaawac ah xilli ciyaareedkan.