Manchester United oo si dhab ah u dooneysa Saxiixa Xidiga Facundo Medina

Sawirka by VALERY HACHE/AFP via Getty Images)

Manchester United ayaa si dhab ah u dooneysa saxiixa Facundo Medina suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya  La Voix du Nord

Warbixinta ayaa sheeganeysa in Red Devils ay xiiseyneyso saxiixa daafaca bidix ee xiisaha leh Lens kaasoo xilli ciyaareedkan ka soo muuqday Ligue 1 .

Hogaamiyaasha Premier League ayaa u muuqda kuwa heesta difaac adag waqtigaan, iyadoo Harry Maguire, Victor Lindelof iyo Eric Bailly ay dhamaantood ku soo laabteen qaab ciyaareedkoodii fiicnaa.

Waxaa la sheegay in United ay ‘si deg deg ah oo rasmi ah u sameyn karto dalabkii ugu horeeyay ee 10.9 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso daafacan, isla markaana ay amaah ku bixiso inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha noqotee, warbaahinta Faransiiska ayaa soo warisay in fursadaha ay kula soo saxiixan karaan daafaca da’da yarka ay ‘yartahay’.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*