Manchester United oo soo bandhigtay Shaxda Rasmiga ay kaga Hortageyso West Ham United

Manchester United ayaa indhaha ku heysa inay dib u la wareegto kaalinta koowaad ee horyaalka Premier League iyagoo galabta marti u ah kooxda West Ham United.

Red Devils ayaa badisay seddex kulan islamarkaana barbaro gashay hal kulan kale kulamadii ay ciyaareen horyaalka, waxayna noqdeen koox laga baqo ka dib markii uu Cristiano Ronaldo ku soo laabtay Old Trafford.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay labo gool kulankiisii ugu horeysay ee soo laabashadiisa oo uu ka horyimid Newcastle todobaadkii hore, isagoo mar kale lagu soo bilaabay shaxda kulanka maanta.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa bedelay Ronaldo qeybtii labaad ee kulankiii Champions League ee ay guuldarada ka soo gaartay Young Boys ka dib markii uu dhaliyay goolka furitaanka.

Ronaldo waxaa weerarka ku caawinaya Bruno Fernandes oo booska No.10 ka dheelaya halka garbaha werarka ay ka ciyaarayaan Paul Pogba iyo Mason Greenwood, iyadoo Jadon Sancho keyd loo dhaadhiciyay.

McTominay ayaa booska khadka dhexe ka garab dheelaya Fred.

Dhanka daafaca, saxiixii xagaaga Raphael Varane iyo kabtan Harry Maguire ayaa ka dheelaya wadnaha daafaca dhexe halka Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw ay garbaha daafaca ka dheelayaan iyadoo David de Gea uu goolka ku jiro.

SHAXDA RASMIGA AH:

West Ham: Fabianski, Coufal, Zouma, Ogbonna, Cresswell, Rice, Soucek, Fornals, Bowen, Benrahma, Vlasic.

Keyd: Areola, Yarmolenko, Lanzini, Dawson, Noble, Diop, Fredericks, Masuaku, Kral.

Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Varane, Maguire, Shaw, McTominay, Fred, Greenwood, Fernandes, Pogba, Ronaldo.

Subs: Heaton, Bailly, Mata, Martial, Lingard, Dalot, Sancho, Matic, Van de Beek.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*