Home Warka Xiisaha Leh Manchester United Oo Suuqa Dhigtay SAGAAL Ciyaartoy Oo Kooxda Koowaad Ah

Manchester United Oo Suuqa Dhigtay SAGAAL Ciyaartoy Oo Kooxda Koowaad Ah

0
Ad

Manchester United waxay diyaar u tahay in ay nadiifin ku samayso kooxdeeda oo ay iska dirto ciyaartooyo badan oo aanu ku qanacsanayn Erik ten Hag, kuwaas oo aanay ku jirin dhawr ciyaartoy oo hore ay kooxdu u fasaxday toddobaadkii hore, sida difaaca reer England ee dhaawacu daashaday ee Phil Jones.

Red Devils ayaa waxay albaabka ka saari doontaa sagaal ciyaartoy oo uu Ten Hag u arko in ay kaliya culays dhaqaale ku hayaan kooxda, kuwaas oo qaarkood la xaraashi doono, kuwo kalena amaah lagu bixin doono haddii la waayo cid iibsata.

Ad

Manchester United ayaa usbuucyada soo socda, waxay awooddeeda iskugu geyn doontaa sidii ay iskugu diyaarin lahayd finalka FA Cup ee ay Manchester City la ciyaari doonaan May 3, si ay kooxda tababare Pep Guardola uga horjoogsadaan in ay barbarreeyaan taariikhdoodii 1999kii ee saddexda koob ee Premier League, FA Cup iyo Champions League.

Ciyaarrtoyda ay Manchester United iska diri doonto ayaa waxa ugu horreeye xiddiga ay £35 milyan ee Gini kusoo iibsadeen ee ay taageereyaashu sii illoobayaan in uu kooxdooda ka mid yahay ee Donny van de Beek oo dhaawac ku maqan, Harry Maguire oo boos la’aan ku noqday Old Trafford iyo Anthony Martial oo uu saluusan yahay Ten Hag.

Weeraryahanka reer France ee Martial oo ay Manchester United sannadkii 2015 soo iibsatay, isla markaana noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee ugu da’da yaraa markii ay £39 milyan oo Gini kasoo bixisay, ayaa beddelkiisa uu doonayaa Ten Hag inuu la saxeexdo dhaliye dabiici ah oo awooddiisu sarrayso, isla markaana aan u nuglayn dhaawacyada.

Waxa kale oo ciyaartoyda suuqa la dhigayo ku jira David De Gea iyo ciyaartoyda qandaraasyadoodu dhamaadka yihiin ee Alex Telles iyo Eric Bailly oo lasii sagootin doono, halka labada ciyaartoy ee amaahda ay kusoo qaadatay Man United bishii January ee Wout Weghorst iyo Marcel Sabitzer iyagana la sagootin doono, inkasta oo ay Man United ka fiirsanayso inaya si rasmi ah u iibsato Sabitzer.

Previous articleJamie Carragher oo raalligelin siiyey xiddiga lagu naanayso hiliblaha Manchester United
Next articleArsenal oo ku Dhawaaqday in heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan uu saxeexay Bukayo Saka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here