Home Horyaalka Ingiriiska Manchester United oo u bandhigtay Fiorentina lasoo wareegitaanka Nikola Milenkovic

Manchester United oo u bandhigtay Fiorentina lasoo wareegitaanka Nikola Milenkovic

0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixato daafaca dhexe eekooxda Fiorentina Nikola Milenkovic .

23 jirkaan ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxdiisa Talyaaniga, waxaana la soo jeediyay in Red Devils ay tahay madaxa safka, iyagoo hogaaminaya kooxaha sida Juventus iyo Inter Milan ay tartanka ku jiraan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Red Devils ayaa fursad loo siiyay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheeganeysa in daafaca uusan ahmiya siinin liiska uu doonayo Macalin Ole Gunnar Solskjaer , iyadoo United la filayo inay bartilmaameed kale ka dhigto ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

xidiga Sevilla Jules Kounde ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, laakiin United ayaa la la sheegay in aysan diyaar u aheyn qiimaha  £68m ee lagu xelayo xidigah reer Farance.

Milenkovic ayaa 24 kulan u saftay Fiorentina inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkaan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here