Manchester United oo u soo bandhigeysa Edinson Cavani heshiis 250 kun ginni isbuucii ah

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kordhiso mushaharka Edinson Cavani hadii uu ogolaado inuu heshiis cusub u saxiixo Old Trafford.

Weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ayaa sameeyay aragti fiican tan iyo markii uu yimid kooxda xagaagii hore, isagoo dhaliyay 14 gool shanna caawiye dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Sikastaba, mustaqbalka Cavani ayaa wali mugdi kujira hubaal la’aan, maadaama heshiiskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka bisha soo socota, waxaana si xoogan loola xiriirinayaa inuu dib ugu laaban doono dalkiisa hooyo ee South America

Cavani ayaa sii joogi kara sanad kale hadii ay isaga iyo Man United labaduba ku heshiiyaan in loo kordhiyo heshiiskiisa, Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali ku rajo weyn in xal fiican laga gaari doono.

Sida laga soo xigtay The Sun , Cavani wuxuu haatan jeebka ku shubtaa mushaar dhan 200k-isbuucii Old Trafford, laakiin kooxda ayaa diyaar u ah inay kordhiso taas oo ay gaarsiiso 250k haddii uu sii joogo xilli ciyaareedka 2021-22.

Boca Juniors ayaa loo haystay inay ugu cadcad yihiin saxiixa 34 jirkaan hadii uu ka tago United, laakiin warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in kooxda reer Argentina ay ka quusatay baacsigii ay ugu jirtay halyeeygan.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*