Home Suuqa Kala iibsiga Manchester United oo wadahadalo kula jirta inay Facundo Pellistri ka iibiso kooxda...

Manchester United oo wadahadalo kula jirta inay Facundo Pellistri ka iibiso kooxda Panathinaikos.

0

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta inay Facundo Pellistri ka iibiso kooxda Panathinaikos.

Dhaqaaqista 22 jirkaan ayaan weli la isku afgaran iyadoo kooxo kale ay sidoo kale xiiseynayaan.

Pellistri ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay Granada, waxaana uu horay labo amaah ugu soo qaatay Alaves.

Waxa uu 25 kulan u saftay United ka dib markii uu kaga soo biiray Penarol 2020kii.

Pellistri ayaa badel ku soo galay kulankii Manchester City ee Community Shield laakiin kuma lug lahayn furitaanka  Premier League ee Fulham mana aha qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha Erik ten Hag.

United ayaa haatan doonaysa in Facundo Pellistri ku iibiso adduun dhan 8.5 Milyan oo ginni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here