Manchester United oo wadahadalo kula jirta Joao Felix

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la qaadatay Atletico Madrid oo ku aadan soo jeedinta weeraryahanka Joao Felix .

22 jirkaan ayaa ugu dhaqaaqay Wanda Metropolitano aduun dhan 114 milyan ginni xagaagii 2019, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa ku dhibtooday inuu gaaro heerkii laga filayay caasimada Spain.

Felix ayaa ka qayb qaatay 29 gool iyo 18 caawin 112 kulan oo uu u saftay Atletico tartamada oo dhan waxana lagu soo yareeyay 13 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii hore dhaawac dartiis.

Iyadoo Felix lagu Xamanayo inuu ka fiirsanayo tartan cusub, Marca ayaa sheeganeysa in United ay muujisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka islamarkaana ay wadahadalo la yeesheen Atletico oo ku saabsan suurtagalnimada suuqa kala iibsiga xagaaga.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in wakiilada United ay kula kulmeen ciyaartoyga talaadadii labada dhinac ee Wanda Metropolitano iyo hotel ku yaal Madrid.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*