Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kala xaajootay xaaska iyo wakiilka weeraryahanka Paris Saint-Germain Mauro Icardi si uu ugu dhaqaaqo Old Trafford xagaagan.
Red Devils ayaa qorsheyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, xitaa haddii Cristiano Ronaldo uu baaqi kusii ahaan doono kooxda, sababtoo ah la’aanta xulashooyinka uu heli karo tababare Erik ten Hag .
Benjamin Sesko ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Old Trafford, laakiin da’yarka aadka loo qiimeeyo ayaa haatan ogolaaday inuu RB Leipzig kaga biiro Red Bull Salzburg xagaaga soo aadan.
Dhanka kale kooxda ayaa isaga hartay xiisihii ay u qabtay xiddiga kooxda Bologna ee Marko Arnautovic inkasta oo ay doonaysay in ay la soo wareegto xiddigan iyada oo dookh kale ka dhiganaysa booska saddexaad ee ugu dambeeya garoonka.
Sida laga soo xigtay TyC Sports , Icardi ayaa hadda u soo baxay inuu yahay ikhtiyaarka kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina loo sheegay inuu xor u yahay inuu ka tago Paris xagaagan.