
Kooxda Manchester United ayaa guul ciriiri ah waxay ka gaartay kooxda West Ham United kadib markii guud ahaan waqtiga cadiga uu ku soo dhamaaday goolal la’an.
Xidigaha Reds ayaana 30-daqiiqo ee dheeriga ku helay gool taasi oo ka saaciday guusha kulankan iyagoo iska xaadiriyay wareegta 8-aad ee koobka FA-Cup-ka.
Scott McTominay ayaana dhaliyay goolka guusha ee Manchester United Daqiiqadii 97-aad ee ciyaarta kadib caawin uu ka helay Marcus Rashford.
Guushan Manchester United ayaana ka dhigan in ay iska xaadirisay Wareega 8-aad ee Koobka.
Maxaa Xiga
Manchester United ayaa la ciyaaridoonta kooxda West bromwich albion Maalinta Axada kulankaasi oo qeyb ka ah Horyaalka Ingariiska
Be the first to comment