Manchester United oo war Cusub ka heshay mustaqbalka weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane

Manchester United ayaa u muuqata mid war cadaan ah ka heshay mustaqbalka weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay.

Kane ayaa 29 sano jir ah oo suuqa xagaaga 30 sano jirsan doona, maaha markii ugu horreysay ee lala xidhiidhiyo inuu Spurs ka baxayo.

Ceebta iyo dacaayada uu kabtanka England ka nasan la’yahay ayaa ah inuusan wali hal koob waayihiisa ciyaareed qaadin isagoo goolal aad u badan dhaliyay.

Harry ayaa hore tan iyo xagaagii hore loola xidhiidhinayay kooxda ree Germany ee Bayern Munich oo u doonaysay bedelka Robert Lewandowski.

Dhawaan ayaa la sheegay in Manchester oo bartilmaameedkeeda koowaad ee xagaaga dambe yahay saxeexa No.9 cusub ay liiskeeda ku darsatay Harry.

Haatan saxafiga ugu xog-ogaalsan England ee David Ornstien ayaa sheegaya war weyn oo ah in Tottenham ay wadahadalo heshiis kordhin la furayso Kane kaddib dhammaadka suuqa January.

Ornstien ayaa sheegaya in Kane qudhiisu u furan yahay heshiiskaas cusub maadaama oo markasta muhiimadiisu tahay inuu ku najaxo Tottenham.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*