Manchester United oo weli ku jirta loolanka loogu jiro saxiixa daafaca Sevilla Jules Kounde

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa daafaca Sevilla Jules Kounde .

Chelsea ayaa dalab weyn ka sameysay xiddiga heerka caalami ee dalka France intii lagu guda jiray suuqii xagaagii lasoo dhaafay, dalabkaasi ayaa fashilmay sababo la xiriira Sevilla oo ku adkeysaneysa in xidiga uu sii joogo.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo 22 jirkaan uu sii wado wacdaraha uu ka sameynayo kooxda ka dhisan La Liga.

Sida laga soo xigtay Fichajes , United ayaa weli ku jirta tartanka saxiixa Kounde inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

In kasta oo United ay hadda si fiican ugu diyaarsan tahay xulashooyinka dhexda dambe, kaliya Harry Maguire iyo Raphael Varane ayaa loo arkaa xulashooyinka mustaqbalka fog ee Ole Gunnar Solskjaer .

Sevilla ayay u badan tahay inay dalbato 68 milyan oo ginni oo ah qiimaha lagu heli karo haddii United ama koox kale ay soo gudbiyaan xiisaha 2022.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*