Manchester United oo Xasuuqday Roma iyo Arsenal oo Guul daro dhabarka loo saariyay Europa league

Kooxda Man United ayaa guul daro 6-2 ah dhabarka u saarisay kooxda Roma ee ka dhisan wadanka taliyaaniga kulan ka tirsan europa league lugtiisa hore ee Semi-finalka oo ka dhacay Garoonka old trafford.

Xidigaha United ayaa looga naxsaday labo gool oo deg deg ah kadib markii gool uu dhaliyay Bruno Fernandes loogu badalay labo gool oo midkood ahaa rigoore kuwaasi oo ka kala yimid Lorenzo Pellegrini iyo Edin Dzeko iyadoo qeybta hore lagu kala nastay 1-2.

Red Devils ayaa isbadal weyn sameesya qeybta danbe ee ciyaarta iyadoo helay 4 gool Daqiiqadii 48aad ee ciyaarta Edinson Cavani ayaa gool u dhaliyay United isagana ayaana hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaarta oo mareysa 64 Daqiiqo wixii intaasi ka danbeeyay united ayaa kubada maamuleysa badankeeda.

Bruno Fernandes oo goolka u horeeyay ee ciyaarta dhaliyay ayaa goolkiisa labaad ee kulankan dhaliyay kaasi oo ahaa rigoore waxana labo gool kusii darsaday Paul Pogba Daqiiqadii 75aad iyo Mason Greenwood 86 daqiiqo guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 6-2.

Labada kooxood ayaa mar kale ku kulmaya Garoonka Roma ee dalka taliyaaniga 6 bisha may.

Villarreal 2 – 1 Arsenal

Dhanka kale kooxda Villarreal ayaa garoonkeeda Estadio de la Ceramica ku dubatay kooxda Reer England ee Arsenal.

Kooxda Martida loo yahay ayaana qeybta hore boobsiisay Arsenal kadib markii 30daqiiqo gudahood ay kaga dhalisay labo Gool qeybta hore ee ciyaarta iyadoo goolashaasi ay u dhaliyeen Manuel Trigueros iyo Raul Albiol qeybta hore ayaana lagu kala nastay labadaasi gool.

Gunners ayaana sameenin wax isbadal ah qeybta danbe ee ciyaarta iyadoo heshay goolka calanka kaasi oo ahaa rigoore waxana u dhaliyay Nicolas Pepe.

Etienne Capoue ayaa casaan ka qaatay kooxda Villarreal halka Arsenal uu Casaan ka qaatay Daniel Ceballos.

Labada koox ayaa lugtooda xigta ku ciyaaridoona garoonka Arsenal todobaadka danbe.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*