Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay keento weeraryahanka Velez Sarsfield Thiago Almada garoonkeeda Old Trafford.
19 jirkaan ayaa dhaliyay 12 gool, waxaana uu diiwaangaliyay afar caawin 50 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan, waxaana kooxo badan oo yurub ah la rumeysan yahay inay xiiseynayaan adeegiisa.
Manchester City , Valencia iyo Ajax ayaa loo maleynayaa inay yihiin kuwa jecel, laakiin sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb , United ayaa sidoo kale isha ku heysa inay lasoo wareegto da ‘yarkaan 2021.
Almada, oo soo maray nidaamka dhalinyarada ee Velez, ayaa dhaliyay hal gool toddobadii kulan ee uu u ciyaaray xulka Argentina ee da’doodu ka hooseyso 20-ka sano
Weeraryahankan boosaska badan wuxuu wali heystaa labo sano iyo bar oo uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa, inkastoo.
United ayaa la soo saxiixatay Facundo Pellistri oo ay kala soo wareegeen Penarol xagaagii, halka da ‘yarka kale ee Amad Diallo uu imaanayo Old Trafford isagoo ka tagaya Atalanta BC bisha Janaayo.