Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa Brahim Diaz , kaasoo haatan amaah kula jooga AC Milan oo uu kaga soo biiray Real Madrid .
Diaz waxa uu amaah ku joogay kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A tan iyo xilli ciyaareedkii 2020-21, waxana uu heshiiskiisa haatan dhamaan doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
23-sano jirkaan ayaa sidaas darteed go’aansaday inuudsn heshiis joogto ah u saxiixo kooxda reer Talyaani, isagoo doorbidaya Madrid ama uu raadsado inuu u dhaqaaqo meel kale.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester City ayaa ka tagay England kuna biiray Madrid 2019, iyadoo Citizens lagu soo waramayo inay heshiiskooda ku biiriyeen qodob ‘anti-United’ ah si ay u joojiyaan iib kasta oo mustaqbalka ay ka iibiyaan kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester.
Sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport , qodobkaas ayaa weli jira, haddii kooxda reer Spain ay ka iibineyso United, City waxay u taagan tahay inay 40% ka hesho heshiiska kala iibsiga.